Fansaar ku yaal badhanka D1

Mid kasta oo ka mid ah badhamada D 1, D 2 iyo D 3 wuxuu qaadan karaa fansaar. Dhig rogaalka sayn haybarbolik D 1: riix on C, store iyo D 1, ka dibna badhamada fansaarka: second F, arc hyp iyo sayn. Wixii ka dambeeya, D 1 wuxuu qoraa fansaarkaas. Tijaabi fansaarka la kaydiyay. Riix D 1, qor 0.5 oo riix le'eg: 0.481211825.